South Afrika oo gar-gaareysa Somalida ku dhibaateysan geeska Afrika
Linkedin

South Afrika oo gar-gaareysa Somalida ku dhibaateysan geeska Afrika

Mogadishu : Somalia | Jul 24, 2011 at 5:07 AM PDT
By
XX XX
Views: Pending
 
C/risaaq Socoto Todobaadka & Geeska Africa Warsan Tv

dadka iyo dowlada south africa oo u ololetnaaya sidii loo yareyn lahaay abaarta ka jirta somaliya.

Kadib markii ay sare u sii kaceen Abaaraha iyo Qayladhaanta ka taagan geeska Afrika gaar ahaan dalka ay colaadaha ee aafeeyeen ee Somalia, ayaa waxaa uu gurmad dhaqaala yabooh ah ka bilowday dalalka caalamka intooda badan, kuwaasi oo ay hurmuud ah u ahaanyeen dad Somali iyo caawiyeyaal caalami ahba isugu jira.





Isbuucii u dambeeyay ayaa dalka koonfur Afrika waxaa si aan xad laheyn uga socday dhaqaale yabooh ku koobnaa Masaajida Somalida, hase ahaatee qeyladhaanta ka yeeyeeraysa warbaahinta ayaa waxaa ay kicisay shucuurta dadka Reer Koonfur Afrika oo aan u kala harin midab iyo diin toona.



Musuuliyiin isugu jira kuwa dowlada Hoose iyo kawa dowlada dhexe ayaa u istagay in ay la hadlaan dadka Reer koonfur Afrika si ay u gurmadaan, wasiir ku xigeenka Howlaha guud ahna kan xiriirka caalimaga Mr Marius Llewellyn Fransman ayaa jimcihii hadal uu kajeediyay TV-ga dowlada wuxuu Barakacayaasha ugu yaboohay in kabadan 1milion oo Rand lacagtaas oo u dhiganta 78-kun oo doolar, sidookale wuxuu dadka ugu baaqay in ay gargaaraan walaalhooda Afrikaanka ah.



Wasiirka wuxuu sheegay in inkabadan kalabar dadka Somalida ay la ildaran yihiin abaaro colaad iyo gaajo asagoo tiradaas celcelis ahaan u soo qaatay 3.7 milion oo dad ah.



Dhanka kale Hay’adda Gargaarka Qoxootiga Somalida (SORAA) iyo Hay’adda kale oo isugu jira kuwa dolwli iyo caalami ah, ayaa iyaguna waxaa ay halgan buuxa ugu jiraan sidii ay dadkaas wax u gaarsiinlahaayeen.



Dadaaladan socda ayaa waxaa ay kusoo beegmayaan xili geeska afrika ay kajirto dhabaato cuno yari ah, islam markaana ay hay’addo badan ka wadaan raashiin qeybin, inkastoo aysan dabooli Karin baahida dadka, yaboohan ka socda South Afrika ayaa waxaa la filayaa in uu guuleysan doono isla markaana ugu yaraan isbuuca soosocda wax un macaawina ah la gaarsiindoono Koonfurta soomaaliya iyo xeryaha qoxootiga ee ku yaala dalka Kenya.

Abdulahi ibrahim dasar

capetown south africa

1 of 1
abaaraha somaliya
dowlada south africa oo u xaglineysa si dii abaarta somaliya loo yareyn lkahaay
mrdasar is based in Garden City, Georgia, United States of America, and is a Stringer for Allvoices.
Report Credibility
 
  • Clear
  • Share:
  • Share
  • Clear
  • Clear
  • Clear
  • Clear
 
 
 
Advertisement
 

Images

 >
 
  • dowlada south africa oo u xaglineysa si dii abaarta somaliya loo yareyn lkahaay

    abaaraha somaliya

More From Allvoices

Report Your News Got a similar story?
Add it to the network!

Or add related content to this report



Use of this site is governed by our Terms of Use Agreement and Privacy Policy.

© Allvoices, Inc. 2008-2014. All rights reserved. Powered by PulsePoint.