saxafiyiinta south africa oo gudoomiye u dooratay abdulahi ibrahim dasar
Linkedin

saxafiyiinta south africa oo gudoomiye u dooratay abdulahi ibrahim dasar

Cape Town : South Africa | Jun 04, 2012 at 4:37 AM PDT
By
XX XX
Views: Pending
 
Jaaliyadda Ee Dalka Koonfur Afrika Oo Deeq Lacageed Gudoonsiisay Agoon Soomaaliyeed.

Kulan isku shaandheyn ah oo ay yeesheen Ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika (SOJSA) ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Capetown ee wadanka Koonfur Afrika,iyadoo kulanka ay ka qayb galeen xubno cusub oo ururka kusoo biiray iyo kuwii horay ugu mideysnaa.

Kulanka ayaa marki aayadaha qur’aanka lagu daahfuray,kadib waxaa ka hadlay saxafiyiinti Uuruka oo aaraadooda (fikirkooda) ku aadan isku shaandheynta xubnaha ururka ka dhiibtay halkaasi,waxaana ay isku afgarteen in la isku shaandheeyo islamarkaana hogaan cusub la doorto.

Intii uu kulanka socday ayaa waxaa hareer socday doorasho lagu dooranayo gudoomiye cusub oo ururka ah,waxaana dorashadaasi cod aqlabiyad ah helay islamarkaana ku guuleystay Cabdullaahi Ibraahim Dasar, sidaasna uu ku noqday gudoomiyaha cusub ee Ururuka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaano SOJSA.

Doorashada kadib ayaa waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha cusub ee Ururka Cabdullaahi Ibraahim Dasar,waxaana uu sheegay inuu si wanaagsan u gudan doono xilka loo dhiibay,isagoona ballan qaad adag u sameeyey Ururuka islamarkaana uu ka shaqeyn doono horimarka Ururuka iyo wax u qabashada saxafiyiinta.

Sidoo kale Doorashada gudoomiyaha cusub kadib, ayaa waxaa xigay cod loo qaaday gudoomiye Xigeen,waxaana helay oo loo magacaabay Cali Axmed Xasan oo loo yaqaano Sheekh Cali.

Sheekh Cali oo madasha kulanka ka hadlay ayaa isna sheegay inuu ku dedaali doono horumarka Ururuka,wuxuuna tilmaamay inuu si nadiif ah ula shaqeyn doono gudoomiyaha iyo dhamaan xubnaha Ururuka.

Ismaaciil Xasan Sabriye oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida wanaagsan ee ay u dhacday isu shaandheynta xubnaha Ururka,iyadoo ay xusid mudan tahay in Ismaaciil oo horay u ahaan jiray Afhayeenki Ururuka uu haatan waayey xilkiisa,taasoo muujineysa in Ismaaciil uu door biday in magaca Ururuku uu horumar gaaro islamaarka meesha ka baxo khilaaf in muddo ah soo jiitamayey,kaasoo u dhexeeyey xubnaha ugu sareeya Ururuka oo inta badan doorashadan xilalkoodi hore ku waayey.

Ugu dambeynti Mustafa Xasan Cali oo hadal kooban ka jeediyey kulanka ayaa sheegay in loo baahan yahay in si wada jir ah looga shaqeeyo midnimada Ururuka iyo jiritaankiisa,isagoo tilmaamay in Ururka uu soo dhoweyn doono saxafi kasta ee Soomaalieed oo dalka Koonfur Afrika soo gala, kuwa haatan ku sugan na ay wada shaqeyn joogta ah yeesheen.

Magacyada Isku shaandheyntan Ururka SOJSA iyo Xilalka loo kala magacaabay:

1- Gudoomiye: Cabdullaahi Ibraahim Dasar

2- G/Xigeen: Cali Axmed xasan (Sh, Cali)

3- Maaliyadda: Mustafa Xasan cali

4- Xogheyn: Cabdikarin Mursal Faarax

5- Afhayeen: Cabdullaahi Qorshe

6- Arimaha dibadda: Yuusuf Axmed Khayre (Shoobaaye)

7- Arimaha gudaha: Saadaam Maxamed

FEEJIGNAAN: Warbixintan waxaa qaadan kara warbaahin kasta, laakin waa inuusan waxba ka badelin habka qoraalka sida uu haatan u qoran yahay, Mahadsanidiin.

1 of 1
gudoomiyaha saxafiyiinta south africa
ururka sojsa o abdulahi ibrahim u doortay gudoomiye
mrdasar is based in Garden City, Georgia, United States of America, and is a Stringer on Allvoices.
Report Credibility
 
  • Clear
  • Share:
  • Share
  • Clear
  • Clear
  • Clear
  • Clear
 
 
 
Advertisement
 

Images

 >
 

More From Allvoices

Report Your News Got a similar story?
Add it to the network!

Or add related content to this report

Most Commented Reports



Use of this site is governed by our Terms of Use Agreement and Privacy Policy.

© Allvoices, Inc. 2008-2014. All rights reserved. Powered by PulsePoint.